Booliska Somaliland oo abaalmarin siinaya askari ka baaqsaday aargoosi, oo booliiska u gacan geliyey nin dilay walaalkii
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in uu abaalmarin iyo maamuus gaar ah la siin doono askari lagu magacaabo Axmed Geeddi Maxamed Cabdi, kaas oo lagu ammaanay hawlkarnimo iyo geesinimo uu muujiyey kaddib markii uu mas’uuliyiinta u gacan geliyey nin lagu eedeeyey dilka walaalkii, halkii uu ka aargoosan lahaa.
Dhacdadan ayaa ka dhacday degaanka u dhow magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, halkaas oo askarigu uu ninkii lagu eedeeyey dilka walaalkii iyo maydka marxuumka ku wareejiyey hay’adaha ammaanka.
Tallaabada askariga ayaa ka dhigan in uu kiiska u daayey hay’adaha sharciga, isaga oo ka fogaaday in uu isagu tallaabo aargoosi ah ka qaado eedaysanaha.
Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu abaalmarin iyo maamuus sare u samayn doono Axmed Geeddi Maxamed Cabdi, isaga oo tallaabadiisa ku tilmaamay mid muujinaysa hawlkarnimo iyo geesinimo.
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa askariga ku casuumay xafiiskiisa, si loogu muujiyo maamuuska uu ku mutaystay tallaabada uu qaaday.
Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa amray Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag in uu si degdeg ah Axmed Geeddi u keeno xarunta Taliska Ciidanka Booliska, si halkaas loogu maamuuso looguna guddoonsiiyo abaalmarinta loo qorsheeyey.
Dhacdadan ayaa soo jiidatay dareenka bulshada, maadaama ay taabanayso muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka iyo falalka dilalka ah loo maro waddooyinka sharciga, halkii laga qaadi lahaa tallaabooyin aargoosi ah oo horseedi kara dhiig kale oo daata.




