Sacuudi Carabiya: Ujeeddada weerarrada ka dhanka ah Yemen waa in la wiiqo awoodda gantaallada ballistic-ga ee Xuutiyiinta
Milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay qaadeen duqeymo dhowr ah oo ay ku bartilmaameedsanayaan goobaha Xuutiyiinta ee Yemen, ujeeddada hawlgalladanina waa in la wiiqo awoodda gantaallada ballistic-ga ee maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.
Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa hore u shaaciyay inay burburiyeen 136 bartilmaameed oo militari ah oo ku yaal meelaha ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyagoo sameeyay “hawlgal ballaaran.”
Shabakadda Al-Masirah ee Xuutiyiinta la shaqeysa ayaa sheegtay in weerarrada Sacuudiga ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaal gobolka Sacda ee waqooyi-galbeed Yemen.
Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale sheegtay in weerarkii Xuutiyiinta ee Khamiistii ka dhacay Garoonka Caalamiga ah ee Riyadh ay ku dhinteen saddex qof. Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sidoo kale soo warisay laba qof oo ku dhintay weerarradii Sacuudiga ee Garoonka Diyaaradaha ee Sanca.




