Duuliye diyaaradeed oo ku geeriyooday weerar Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Riyaad
Shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, Saudia, ayaa xaqiijisay geerida mid ka mid ah duuliyayaasheeda, kadib dhacdo Khamiistii ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyad.
Shirkaddu waxay duuliyaha ku sheegtay Xamuud Cali Al-Kulthami.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa horay u sheegtay, iyada oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Sacuudiga, isla markaana taalla terminal ka mid ah garoonka Riyad, uu dab si weyn u waxyeelleeyay.
Dhanka kale, Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerarro Khamiistii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyad, halka hal diyaarad ay waxyeello soo gaartay.




