Tirada dadka lagu dilay Yemen oo la baahiyay
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 674 qof lagu dilay, halka 2,998 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii dagaalladu dib uga qarxeen qaybo ka mid ah Yemen bishii hore.
WHO waxay sheegtay in 164 qof la dilay, 516 kalena la dhaawacay intii u dhexeysay 13-kii iyo 18-kii Sebtembar.
Dhanka kale, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in in ka badan 129,000 oo qof ay ku barakaceen rabshadaha ka socda toddobo gobol oo Yemen ka tirsan.




