Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO ayaa sheegay in markab shidaal lagu weeraray “gantaal aan la aqoon” isagoo marayay marinka Hormuz.

Sida laga soo xigtay saraakiil milatari, dhaawac fudud ayaa soo gaaray labo ka mid ah shaqaalah markabka. Markaba wuxuu sii watay safarkiisa isagoo ku sii jeeday dakadii uu u socday.

Waqtigan xaadirka ah ma jiraan warbixino ku saabsan waxyeello deegaanka soo gaartay, baaritaanka ku saabsan weerarkana ayaa weli socdaa.

Ururka arrimaha badaha ee UKMTO waxay markale kula talisay maraakiibta in ay taxadar muujiyaan marka ay marayaan aagaas isla markaana soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker