Xuutiyiinta oo diyaarad ku weeraray magaalada Barakeysan ee Makka

Difaaca cirka Sacuudiga ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiinta Yemen ay soo direen, ka hor inta aysan gelin hawada xaddidan ee magaalada Makka.

Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen, Turki al-Maaliki, ayaa sheegay in tani ay ahayd markii labaad ee Xuutiyiintu bartilmaameedsadaan Makka. Markii ugu horreysay waxay ahayd July 2017, markaas oo gantaal ballistic ah lagu soo tuuray magaalada.

Dhanka kale, Talaadadii shalay, digniin amni ayaa muddo kooban laga soo saaray Makka, Jeddah iyo Taif. Mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ayaa markii dambe sheegay in “khatartii meesha laga saaray”.

Maalin ka hor, weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu ku qaadeen saddex magaalo oo Sacuudiga ah ayaa dhaawacay 13 qof oo rayid ah, waxaana waxyeello soo gaartay toddobo guri iyo laba gaari, sida uu sheegay isbahaysigu.

Xuutiyiintu waxay beeniyeen inay khatar ku hayeen Makka ama goobaha kale ee barakeysan ee Muslimiinta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker