Qaybo ka mid ah suuqyada magaalooyiinka Saqqez iyo Sanandaj

Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da Faaris u sheegay in, iyadoo ay ku beegan tahay sannad-guurada dhimashadii Mahsa Amini, xaaladda magaalooyinka Saqqez iyo Sanandaj ee gobolka Kurdistan ee Iran ay kacsan tahay, iyadoo qaybo ka mid ah suuqyada iyo goobaha ganacsiga la xiray.

Qof BBC-da uga warramay Saqqez ayaa sheegay in magaalada ay ahayd mid cidlo ah, isla markaana dukaamo badan ay xirmeen.

Wuxuu sheegay in ciidamo badan oo ammaanka ah, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu soo daabulayay Saqqez, ay ku sugnaayeen Fagaaraha Xabsiga, oo sidoo kale loo yaqaan Fagaaraha Kacaanka, waddada isku xirta Baneh iyo Saqqez, iyo agagaarka qabuuraha Aichi.

Ilo wareedkan ayaa sheegay in tan iyo subaxnimadii dadka ay isweydiinayeen in ay tagaan iyo in kale qabuuraha Aichi, si ay u xusaan sannad-guurada Gina Mahsa Amini, isaga oo xaaladda ku tilmaamay mid “jahawareer leh”.

Sida uu sheegay, walaac badan ayaa jira, balse dad badan ayaa doonaya inay booqdaan qabriga Gina Mahsa Amini si ay u xusaan sannad-guuradeeda, iyaga oo sugaya inay arkaan sida xaaladdu isu beddesho galabta.

Dhanka kale, qof goob-jooge ah oo ku sugan Sanandaj ayaa BBC-da u sheegay in ganacsato badan iyo dadkii ka shaqaynayay suuqyada magaalada ay maanta sameeyeen shaqo-joojin, inkastoo dukaamo qaar ay furnaayeen.

Goobjoogaha ayaa sheegay in waddada 6-aad ee Bahman, oo loo yaqaan Pasdaran, ay gebi ahaanba xiran tahay, iyadoo magaalada ay ka jirto xaalad amni oo aad loo adkeeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker