Xuutiyiinta Yemen oo weeraray xaruumo shidaal oo Sacuudigu leeyahay

Wakaaladaha wararka iyo warbaahinta Iran ayaa sheegay in weerarro cusub lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, oo ay ku jirto shirkadda Aramco.

Wararkan oo aaney weli xaqiijin ilo madax-bannaan ayaa sheegaya in weerarrada ay fuliyeen Xuutiyiinta Yemen.

Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa habeenkii Axadda digniin ku saabsan weerarro cirka ah u diray dadka ku nool Jazan, Najran, Abha iyo Khamis Mushait.

Wakaaladda Tasnim ee xiriirka la leh Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in weerarradu bartilmaameedsadeen Abha iyo Khamis Mushait, isla markaana digniino laga maqlay magaalooyinkaasi.

Ilaa hadda, faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ama waxyeellada ka dhalatay weerarrada lama shaacin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker