XOG CULUS : 20 Sano Ka Hor Ayuu Sirtan Sheegay! Daahir Rayaale Oo Israel Iyo Berbera Ka Hadlay…

20 SANO KA HOR — DAahir Rayaale Oo Si Cad Uga Hadlay Israel, Berbera, Itoobiya Iyo Mustaqbalka Somaliland

Wareysi hore oo madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu sannadkii 2005 siiyey Al Jazeera, isagoo la hadlayey weriyaha Maxamed Al-Suufi, ayaa mar kale soo jiitay dareenka bulshada.

Rayaale wuxuu wareysiga kaga hadlay madaxbannaanida Somaliland, sababta uu u diiday in Somaliland mar kale la midoobaan Soomaaliya, dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, xiriirka Itoobiya iyo Jabuuti, iyo mustaqbalka dekedda Berbera.

Waxaase si gaar ah loo hadal hayaa qaybtii uu kaga hadlay Israel, halkaas oo uu sheegay in Somaliland aysan markaas xiriir la lahayn Israel, balse haddii ay mustaqbalka u aragto inay dano ka leedahay xiriirkaas, ay xaq u leedahay inay go’aankeeda gaarto.

Sidoo kale, Rayaale wuxuu sheegay in Somaliland ay soo dhaweynayso isticmaalka dekedda Berbera ee Itoobiya, haddii arrintaasi dhaqaale ahaan labada dhinac faa’iido ugu jirto.

Maxay maanta ka dhigan yihiin hadalladii Rayaale ee la jeediyey 2005?

Daawo warbixinta oo dhammaystiran, kana dhiibo aragtidaada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker