Safiirka Turkiga oo sheegay in Ankara sii wadi doonto taageerada Soomaaliya

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagabeynayo shaqadiisii Muqdisho, isagoo sheegay inuu u gudbayo xil cusub oo uu ka qaban doono magaalada Skopje ee Waqooyiga Macedonia.

Aktaş oo safiir ka ahaa Soomaaliya tan iyo Maarso 2024 ayaa sheegay in uu sharaf weyn u arkayay ka shaqeynta xoojinta xiriirka labada dal, isagoo tilmaamay in iskaashiga Türkiye iyo Soomaaliya uu dhaafsiisan yahay danaha labada dhinac, isla markaana uu saameyn ku leeyahay gobolka iyo bulshada caalamka.

Safiirka ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay ay Türkiye iyo Soomaaliya iska kaashadeen dhinacyo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani’aadamnimada iyo dhisidda awoodda farsamo.

Waxa uu sidoo kale xusay maalgashiga Turkiga ee Soomaaliya, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kobaca dhaqaalaha buluugga ah iyo hydrocarbons-ka, isagoo sheegay in arrimahaasi ay gacan ka geysanayaan kordhinta fursadaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku horumarin karaan mustaqbalkooda.

Safiirka ayaa u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay isaga, qoyskiisa iyo shaqaalaha safaaradda ugu soo dhaweeyeen Soomaaliya, isagoo sheegay in intii ay dalka joogeen ay mar walba dareemayeen inay gurigooda joogaan.

Alper Aktaş ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto awooddeeda dhaqaale, isla markaana ay sii wadi doonto horumarkeeda iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Isagoo xusay sannad-guurada 60-aad ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Türkiye, ayuu sheegay in iskaashiga labada dal uu sii xoogeysan doono, isla markaana Türkiye ay sii wadi doonto taageerada ay siiso midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker