Iran oo ka digtay in Maraakiibta Mareykanku ku soo dhawaadaan Hormuz
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku gacanta ku hayo Marinka Hormuz.
Taliye ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Trump ugu jawaabay: “Haddii aad sidaas leedahay, mid ka mid ah maraakiibtiinna 100 km noo soo dhowee.”
Wuxuu sheegay in haddii maraakiibta Mareykanku u soo dhowaadaan Iran, ciidamada Iran ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Sidoo kale, Iran waxay sheegtay inay si dhow ula socoto maraakiibta ka soo baxa Kuwait iyo Bahrain, ayna tallaabo ka qaadi doonto haddii ay xeerarka jebiyaan.
Macnaha guud: Iran waxay Mareykanka ugu digaysaa in uusan maraakiibtiisa u soo dhowaan xeebaha Iran.




