Dowladda Yemen oo sheegaysa in ay Xuutiyiinta kala wareegtay deegaanno ay horey u qabsadeen
Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay inay dib ula wareegeen goobo ay horay u galeen dagaalyahanno ka tirsan Xuutiyiinta, kuwaas oo ku yaalla galbeedka magaalada Taiz.
Wakaaladda wararka Yemen ee Saba, oo taageerta dowladda, ayaa soo xigatay ilo militari oo sheegay in ciidamada ay la wareegeen goobo u dhow deegaanka Jardad, oo ka tirsan degmada Al-Shamaitain.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay u sii gudbeen dhanka deegaanka Ghayl Bani Omar, iyadoo howlgalladu ay weli socdaan.
Dowladdu waxay sheegtay in ujeeddada howlgalladan ay tahay in Xuutiyiinta laga saaro gobolka Taiz.




