Puntland oo digniin ka soo saartay hubka lagu dhex sito magaalada Badhan
Maamulka Puntland ayaa sheegay in laga bilaabo maanta magaalada Badhan ee gobolka Sanaag tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu arko iyadoo sidata hub ama adeegsanaysa gaadiid ciidan oo aan ka tirsanayn ciidamada amniga.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga ee dhinaca Difaaca Puntland, Fu’aad Xaanano, ayaa sheegay in go’aankan uu ka soo baxay kulan looga hadlay xaaladda amniga magaalada Badhan, kaddib shaqaaqadii ka dhacday Badhan oo uu sheegay inay ku dhinteen laba qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Xaanano ayaa sheegay in ciidamada dowladda la siiyay amar ay ku qabanayaan cid kasta oo magaalada lagu arko iyadoo sidata hub ama wadata gaadiid ciidan oo aan ka tirsanayn ciidamada rasmiga ah, isagoo sheegay in dadkaas loo gudbin doono hay’adaha sharciga.
Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale baaq u diray kooxaha uu ku eedeeyay inay magaalada soo galeen, isla markaana ay ka dambeeyeen shaqaaqada, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara isku dhac kale.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay gudan doonaan waajibaadkooda dastuuriga ah, isla markaana tallaabada amni ay qayb ka tahay qorshe hore loogu dejiyay wax ka qabashada shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee magaalada.
Xaanano ayaa sheegay in markii xaaladda Badhan la xasiliyo la guda geli doono qorshayaal kale oo magaalada lagu horumarinayo, isagoo tilmaamay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ay magaalada gelisay xaalad xasaasi ah oo aan dan u ahayn shacabka, Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Maamulka Puntland ayaa horey uga digay in magaalada Badhan ay ka dhacaan falal hubeysan, iyadoo xiisado iyo iska horimaadyo soo noqnoqday ay muddooyinkii dambe ka jireen gobolka Sanaag.




