Xaaska mid ka mid ah dhibbanayaashii 9/11 ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu door ku lahaa weerarradaas
Wax yar ka hor, intii lagu guda jiray xuska 9/11 ee New York, Terry Strada, oo ah xaaskii mid ka mid ah dadkii ku dhintay weerarrada, ayaa markii ay akhriday magaca ninkeeda kadib hadalkeeda ku soo qaadatay waxa ay ku tilmaantay doorka lagu eedeeyay ee Sacuudigu ku lahaa weerarrada.
“Sidee bay u suurtagal tahay in 25 sano ay ka soo wareegaan, haddana aan weli caddaalad loo helin doorkii Sacuudigu ku lahaa dilkaaga?” ayay tiri iyadoo taagan goobta khudbadda, taasoo dhalisay sacab xooggan oo ka yimid dadkii goobta joogay.
Waxay intaas ku dartay in dalkaasi uu “dunida ku faafiyay dhaqan xun oo dhiirrigelinaya argagixisada ka soo horjeedda Maraykanka.”
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa marar badan beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarradii 11-kii Sebtembar. Sannadkii 2004, baaritaan uu Maraykanku sameeyay ayaa sidoo kale Sacuudiga ka fogeeyay inuu ku lug lahaa weerarrada.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah qoysaska dhibbanayaasha ayaa weli dalbanaya in lala xisaabtamo Sacuudiga, iyagoo gudbiyay dacwad madani ah oo ku eedaynaysa dalkaasi inuu taageeray Al-Qaacida.




