Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Maalgashiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Faysal Aadan Xasan oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, halka Maxamed Yuussuf Maxamed loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda.

Magacaabista labada mas’uul ayaa timid kaddib soo-jeedin uu Golaha Wasiirrada u gudbiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Maxamuud Abdirahman Beenebeene, iyadoo lagu saleynayo Sharciga Dhisidda Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa sheegtay inay saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynaysay dhismaha hay’addan oo loo asteeyay inay door ku yeelato dhiirrigelinta iyo soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah.

Wasiir Beenebeene ayaa soo dhaweeyay ansixinta magacaabista labada mas’uul, isagoo sheegay in Wasaaraddu muddo saddex sano ah dadaal ugu jirtay dhismaha Hay’adda.

“Waxaan si kal iyo laab ah Golaha Wasiirrada uga mahadcelinayaa ansixinta magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Faysal Aadan Xasan, iyo Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda, Maxamed Yuussuf Maxamed,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu labada mas’uul u rajeeyay guul, isagoo ka dalbaday inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Hay’adda ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka shaqeyso hagaajinta jawiga maalgashiga, fududeynta adeegyada maalgashadayaasha iyo abuurista hannaan maalgashi oo si wanaagsan uga shaqeeya Soomaaliya.

Sharciga lagu dhisay Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa soo maray Golaha Wasiirrada, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha, iyadoo ugu dambeyn uu Madaxweynaha saxiixay.

Hay’adda waxaa si rasmi ah loogu dhisay Sharciga Lr. 43 ee 15 Diseembar 2025, kaas oo saldhig sharci u ah hawlaheeda iyo waajibaadka loo igmaday.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker