Donald Trump oo shaaciyay goorta uu dagaalka Iran dhammaan karo
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka socda ee Iran uu dhammaan karo marka durbaba la qabto doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ee bisha Nofeembar.
Trump ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in Iran aysan hadda awood u lahayn inay sii waddo dagaalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in qiimaha shidaalku ay u badan tahay inuusan hoos ugu dhicin illaa waqtigaas.
Trump ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in dagaalku dhammaan doono wax yar kaddib doorashada, sababtoo ah iyagu oo uu ula jeedo Iiraan, muddo dheer ma sii adkeysan karaan.”
Hadalkan Donald Trump ayaa yimid xilli uu isku diyaarinayay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuuriga ee doorashada dhexe, kaas oo ka dhacay Texas. Trump ayaa doonaya in shirkan uu ku mideeyo hoggaamiyeyaasha xisbiga, isla markaana uu dhiirrigeliyo taageerayaasha xisbiga ka hor doorashada dhexe ee bisha Nofeembar.
Waxaa xusid mudan in cadaadiska Trump kaga imaanaya gudaha xisbigiisa Jamhuuriga uu sii kordhayo, gaar ahaan arrinta dagaalka Iran.
Sidoo kale, hadal heyntiisa ayaa hoos ugu dhacaya, sida ay muujinayaan sahanno kala duwan, iyadoo dagaalka iyo saameyntiisa dhaqaale ay sii socdaan.




