Maraykanka oo la filayo inuu qaado tallaabooyin ka dhan ah Canada

Maraykanku wuxuu mamnuuci doonaa soo dejinta badeecooyin kala duwan oo Canada laga keeno, oo ay ku jiraan khamriga ah, qaar ka mid ah waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo mootooyinka, kaddib markii ay dhaqan galeen canshuuraha aargoosiga ah ee Canada ay ku soo rogtay badeecooyinka Maraykanka.

Taxane amarro fulineed oo uu Talaadadii soo saaray, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Canada ay Maraykanka “takoorayso”, wuxuuna faahfaahiyay mamnuucyada, kuwaas oo bilaaban doona 29-ka Sebtembar.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay inay doonayaan inay gaaraan heshiis ganacsi, balse wax wada-hadallo cusub ah lama qorshayn tan iyo markii wada-xaajoodyadii ay burbureen dhammaadkii Agoosto.

Dominic LeBlanc, oo ah wasiirka ganacsiga Canada, ayaa sheegay in tallaabooyinka cusub ee Maraykanku ay yihiin “kuwa aan sabab lahayn”, wuxuuna sheegay inuu ka shaqayn doono ilaalinta shaqaalaha, qoysaska iyo ganacsiyada dalka.

“Diiraddayada ugu weyn waxay ku saabsan tahay waxa aan awoodno inaan xakameyno: inaan gudaha dalka ka dhisno awood iyo adkaysi, inaan dibadda ku ballaarinno iskaashiyadayada, iyo inaan Canada u dhisno dal xooggan oo ay dhammaan dadka reer Canada ku wada noolaadaan,” ayuu yiri LeBlanc.

Wuxuu sheegay inuu la xiriiray dhiggiisa Maraykanka, isagoo ballanqaaday inuu “si niyad wanaagsan” uga shaqayn doono sidii loo xallin lahaa xiisadaha.

Horaantii Talaadadii, Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa khudbad muuqaal ah ku sheegay in ka fogaanshaha Maraykanka oo ahaa dalkooda ugu weyn ee ganacsi “ay ku kici dnooto qiimo”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker