Madaxweyne Cirro oo la filayo ka qayb galo Shirka Sannadlaha ah ee MEAD WASHINGTON oo lagaga hadlo xidhiidhka Bariga Dhexe iyo Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu casuumay inuu ka qayb Galo Shir muhiim ah oo lagaga hadlo xidhiidhka Mareykanka iyo Dalalka Bariga dhexe, kaas oo sannad kasta lagu qabto Magaalada Washington ee caasimadda Mareykanka.
‎
Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray ka qayb galka shirkan, hase yeeshee sida ay xog aan helnay tibaaxeen Shirkan oo ay ka qayb galaan Dublamaasiyiin, Saraakiil Milateri, Siyaasiyiin, Masuuliyiinta sarsare ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Xildhibaanno ka tirsan Laba Aqal ee Senators iyo Congress-ka iyo Ganacsato, ayaa loo ogol yahay dad xadidan oo gaadhaya 200 oo qof oo la soo xulay.
‎
‎Shirkan oo muhiimad gaar ah u leh Mareykanka iyo Dalalka Bariga Dhexe ee ay saaxiibka la ah Mareykanka, ayaa waxa ka qayb galay madax ka socoto Imaaraadka Carabta, Isreal iyo Sucuudiga, iyada oo ay noqonayso markii u horreeysay ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu casuumo, waxaana ka qayb galaya Madaxweyne Cirro.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker