Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu duqaymo ku garaacay Yeman
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay in Sacuudi Carabiya ay duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsatay meelo kala duwan oo ka tirsan Yemen.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta ee Saba, Sacuudi Carabiya ayaa “duqeymo cirka ah iyo gantaallada nooca ‘cruise’-ka ah ku bartilmaameedsatay goobo kala duwan oo ku yaalla gobollada Al-Jawf, Al-Bayda, Marib iyo Taiz.”
Waxaa xusid mudan in Xuutiyiintu ay bilaabeen hawlgal ay ku qabsanayaan dhulalka ku teedsan marinka Bab al-Mandab.
Tirada dadka ku dhintay dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada dowladda Yemen ayaa gaartay boqolaal tan iyo markii uu billowday weerarka Xuutiyiintu ay qaadeen Khamiistii hore.
Xuutiyiinta, oo naftooda ugu yeera Ansar Allah, ayaa ah xulafada Iran, waxayna la dagaallamayaan ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerto Sacuudi Carabiya.
Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan waqooyiga Yemen, aagga xeebta Badda Cas, iyo caasimadda Sanca.
Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, oo ay aqoonsan tahay beesha caalamku, ayaa gacanta ku haya bariga Yemen, xeebta koonfureed iyo dekedda Cadan.
Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay tallaabo ay ku doonayaan inay ku jebiyaan go’doominta ay Sacuudigu saareen, iyagoo bartilmaameedsanaya maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga ee ku sugan Badda Cas.




