Fahad Yaasiin oo ka hadlay dhacdadii Doolow, kana digay saamaynteeda
Fahad Yaasiin, oo horey u soo noqday agaasimaha hay’adda NISA, ayaa ka hadlay dhacdadii ka dhacday degmada Doolow ee gobolka Gedo, isaga oo sheegay in weerarka loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn uu yeelan karo saameyn ballaaran oo aan ku koobnaan doonin Soomaaliya.
Fahad Yaasiin ayaa dhacdada Doolow barbar dhigay qaraxii sanadkii 2006 lala beegsaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, isaga oo sheegay in labada dhacdo ay yeelan karaan saamayn siyaasadeed iyo mid amni oo muddo dheer sii jirta.
“Gaarigii qaraxa ahaa ee lala beegsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaa ka dhashay isbeddallo saamayn weyn ku yeeshay dalka 20-kii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Isaga oo ka hadlayay weerarka Doolow ayuu intaa ku daray: “Diyaaradda Drone-ka ah ee lagu weeraray guriga Taliye Mahad Cabdiraxmaan ee Doolow, waxaa ka dhalan doonta saamayn halis ah oo dalka iyo waddamada deriska ah ku sii faafi karta.”
Fahad Yaasiin ayaa sidoo kale si toos ah u dhaliilay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inay dhaaftay xuduudihii uu sheegay inay ilaalin lahaayeen nidaamka amniga qaranka.
“Nidaamka Xasan Sheekh xuduud kasta wuu dhaafay, waxaana khasab ah in dib loogu laabto hannaanka amniga qaranka oo idil,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hadallada Fahad Yaasiin ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii Doolow, isla markaana ay magacaabi doonto guddi xaqiiqo-raadin ah oo baaritaan ku sameeya sababta qaraxyada, ujeeddadii laga lahaa iyo cidda ka dambaysay.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in xogaha horudhaca ah ee hay’adaha amnigu ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen walxo qarxa oo lagu diyaarinayay guriga.




