Trump: Ma doonayo inaan heshiis la galo Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa habeenkii Talaadada farriin uu ku qoray bartiisa bulshada ee Truth Social ku beeniyay war ay ABC News baahisay oo sheegayay in maamulkiisu isku dayayay inuu Iran ku qasbo inay wada-hadallo la gasho. Trump ayaa sheegay inuusan dan ka lahayn in heshiis lala gaaro Tehran.

“Si ka duwan warka ABC, oo aan ugu yeero Wararka Beenta ah, ay soo werisay, iskuma dayayo inaan Iran keeno miiska wada-hadallada. Wax dan ah kama lihi inay saxiixaan heshiis aan wax qiimo ah ugu fadhiyin,” ayuu Trump ku qoray Truth Social..

“Waxaan aad uga doorbidayaa xaaladda hadda jirta, oo ah inaan si buuxda ugu dhow nahay inaan gacanta ku dhigno marinka Hormuz, halka dhaqaalaha Iran uu gebi ahaanba burburayo. Waxay kaliya dib u dhigayaan geeddi-socodka aan laga fursan karin,” ayuu raaciyay.

Dhamaadka farriintiisa, madaxweynaha Mareykanka wuxuu ku yiri: “Goorma ayay shacabka Iran kacayaan oo ay dagaallamayaan?”

Hadalladan ayaa yimid saacado kadib markii Trump uu ku tilmaamay weerarradii cusub ee Mareykanka ka fuliyay agagaarka Marinka Hormuz kuwo “xaq ah”, isagoo sidoo kale ka digay in Washington ay qaadi doonto weerarro ka sii xoog badan haddii Iran ay qaaddo tallaabo aargoosi ah.

Iran ayaa sheegtay in weerarradaasi lala beegsaday dad rayid ah oo ka qaybgalayay xaflad aroos oo ka dhacaysay tuulada Kohstak Sirik, halkaas oo ugu yaraan shan qof lagu dilay, oo uu ku jiray hal canug ah.

Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in in ka badan 60 qof ay ku dhaawacmeen duqeyntaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker