Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa dadka sita hubka sharci-darrada ah

Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanadeeda.

Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo uu magaalada Boosaaso ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo xoojinta tallaabooyinka lagu xakameynayo hubka sharci-darrada ah.

Puntland waxay sheegtay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xilsaaray inay si adag u fuliyaan go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo la qabto ay dowladda la wareegayso.

Tallaabadan ayaa sidoo kale khuseysa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama isticmaalaan, iyadoo dowladda ay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Go’aanka ayaa imanaya iyadoo maamulka Puntland uu isku dayayo inuu yareeyo faafitaanka hubka sharci-darrada ah iyo khatarta uu ku yeelan karo amniga bulshada, gaar ahaan colaadaha beelaha iyo falalka amni-darrada ah.

Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyey in hubka loo adeegsado dagaallada beelaha lala wareegidoono, halka dadka ku lug yeesha abaabulka ama hurinta colaadaha beelaha laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Puntland ayaa sheegtay in xakamaynta hubka ay qayb ka tahay qorshe lagu xoojinayo amniga gobolka Bari, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo la dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker