Somalilan: Dad musuqmaasuq sameeyey oo xukun lagu riday
Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex, ayaa saaka xukun ku ridday siddeed eedaysane oo Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku kusoo eedayay dacwad la xidhiidha musuq-maasuq, lunsi iyo ku-takri-fal hanti qaran.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hantidhawrka Guud ee Qaranka JSL, xukunkan Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ayaa ka dhashay dacwad uu Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku u gudbiyey Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Maroodi-Jeex.
Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranku waxa uu mar kale adkaynayaa muhiimadda ay leedahay ilaalinta hantida ummadda, isla-xisaabtanka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa, iyadoo cid kasta oo lagu helo ku-takri-falka hantida dawladdana lala tiigsanayo sharciga.
Sidaana waxa lagu yidhi qoraalkan oo ka soo baxay Warbaahinta Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka JSL.




