Rakaabka ka dhoofayay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa ku xayiran kaddib shaqo-joojin carqaladeysa duulimaadyada
Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayirmay garoonka diyaaradaha ugu weyn Kenya ee caasimadda Nairobi sababo la xiriira shaqo-joojin ay sameeyeen shaqaalaha.
Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) waa xarun muhiim ah oo isku xirta isu-socodka gobolka.
Hay’adda maamusha garoomada diyaaradaha iyo shirkadda Kenya Airways ayaa Axadii ka digay in duulimaadyada ka baxaya garoonka ay dib u dhici karaan.
Wareeg cusub oo wadahadallo ah oo u dhexeeya ururrada shaqaalaha iyo maamulka garoonka ayaa la qorsheeyay in la qabto maanta oo Isniin ah, inkastoo wada-hadalladii dhacay maalin ka hor ay soo dhammaadeen iyada oo aan heshiis laga gaarin.
Shaqaalaha waaxda duulista hawada ayaa dalka oo dhan ka wada shaqo-joojin, iyagoo dalbanaya in la hagaajiyo xaaladaha shaqada iyo in la dhaqan-geliyo heshiis hore loo gaaray.
Dadka doonayay in ay ka dhoofaan garoonka ayaa halkaas ku xayirmay iyadoo qaar ay habeenkii ku hoydeen gudaha iyo agagaarka goobaha laga hubiyo rakaabka.
Kenya Airways ayaa warbixinteedii ugu dambeysay ku sheegtay in “shaqo joojin ay shaqaalaha sameeyeen” ay keentay dib u dhac ku yimid duulimaadyada.
Shirkaddu waxay raalli-gelin ka bixisay carqaladda, waxayna sheegtay in rakaabka doonaya in ay beddelaan ama dib u jadwaleeyaan duulimaadkooda ay sidaas samayn karaan iyaga oo aan wax ganaax ah laga qaadin.
Shaqo-joojintan ayaa timid kaddib muran laba maalmood socday bishii Febraayo, kaas oo ku saabsanaa gorgortanka heshiiska shaqaalaha iyo isticmaalka shaqaale mutadawiciin ah oo garoonka ka shaqeeya.




