Uganda oo shaacisay inay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya bisha Agoosto 2027
Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in dalkiisu si buuxda ciidamadiisa ugala bixi doono Soomaaliya 1-da Agoosto 2027, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay ciidamada Uganda qeyb ka ahaayeen hawlgallada amniga Soomaaliya.
Kainerugaba ayaa qoraal uu Jimcihii ku baahiyay bartiisa X ku sheegay in wixii ka dambeeya 1-da Agoosto 2027 aysan Soomaaliya ka sii howlgali doonin ciidamo ka tirsan UPDF.
Si kastaba, warbixinta People Daily waxay sheegtay in aan weli la caddeyn in taariikhda uu sheegay taliyaha ciidamada Uganda ay tahay go’aan rasmi ah oo ay ansixisay dowladda Uganda.
Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu waaweyn ee ciidamo ku biiriyay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya tan iyo 2007, iyadoo ciidamadeedu ay taageerayeen ciidamada Soomaaliya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo hubanti la’aan dhaqaale iyo mid dhinaca saadka ah.
Maraykanka ayaa horay Midowga Afrika ugu wargeliyay inuusan maalgelin doonin taageerada saadka iyo hawlgallada AUSSOM wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026. Taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka ayaa kamid ah adeegyada muhiimka ah sida cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.
Xaaladdan ayaa walaac ka dhex abuurtay Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka, maadaama AUSSOM ay ku tiirsan tahay taageero caalami ah si ay howlaheeda u sii waddo.
Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalaysay in ciidamadeeda ay si tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, iyadoo dowladda federaalku ay ku celcelisay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu yahay mid ku-meel-gaar ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay mustaqbalka ciidamadeeda si buuxda ugu filnaadaan difaaca dalka.
Hase yeeshee, kala-guurka ayaa wajahaya caqabado, iyadoo Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay weerarro ka fuliso qaybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Uganda waa mid kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee ciidamada ku biiriya howlgalka, sidaas darteed ka bixitaankeeda ayaa kusoo beegmaya xilli AUSSOM ay raadineyso ilo cusub oo lagu maalgeliyo laguna taageero howlaheeda.




