๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฃ๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ง๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐ฐ๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฅ๐๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐จ๐จ๐๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan la yeeshay Siyaasiyiin ka soo jeeda Bariga Gobolka Sanaag, kuwaas oo dhawaan dib ugu soo laabtay dalkooda Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynaha ayaa ugu horrayn siyaasiyiinta si diirran ugu soo dhaweeyey dalkooda, isaga oo uga mahad celiyey goโaanka ay ku doorteen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyo dadkooda, kana qayb qaataan nabadaynta, walaalaynta bulshada iyo horumarinta deegaannada ay ka soo jeedaan.
Kulanku waxa uu xambaarsanaa farriin siyaasadeed iyo midnimo Qaran oo ku wajahan xoojinta wadajirka ummadda Somaliland, adkaynta amniga iyo xasilloonida bulshada, iyo dhisidda is-afgarad siyaasadeed oo salka ku haya danta guud, nabadda iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo mustaqbal wanaagsan oo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland yeesho.
Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinayey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland & mas’uuliyiin kale.
Madaxweynuhu waxa uu Siyaasiyiinta ka soo jeeda Bariga Sanaag u xaqiijiyey in ummadda Somaliland aanay kala lahayn xuduudo, isla markaana ay tahay ummad isku dal, isku dad iyo isku dan ah oo aan sinaba u kala maarmi karin, meel kasta oo ay joogaanba.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ka goโan tahay in muwaadin kasta uu dareemo ka mid ahaanshaha iyo lahaanshaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray in Xukuumaddu ay mudnaanta koowaad siinayso isu-soo-dhawaanshaha bulshada, wada-tashiga iyo nabadgelyada, isla markaana loo baahan yahay in dalka lagu dhiso wadajir, kalsooni iyo aragti Qaran oo midaysan.
Dhankooda, Siyaasiyiintii kulanka ka qaybgalay ayaa Madaxweynaha uga mahad celiyey soo-dhowaynta iyo fursadda uu siiyey in ay si toos ah ula wadaagaan aragtidooda. Waxa ay sidoo kale muujiyeen sida ay uga goโan tahay in ay kaalintooda ka qaataan nabadaynta, midnimada bulshada, horumarinta deegaannadooda iyo xoojinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.




