Xiddiga Caanka ah ee Naymar oo Go,aan saday inuu ku Laabto Naadiga Barcelona

Neymar ayaa si weyn u doonaya inuu ku laabto Barcelona kana tago Paris Saint-Germain waxaana ay u muuqataa in kooxda heysata horyaalka Faransiiska inay iyaguna doonayaan inay iska diraan xiddiga reer Brazil.

 

Sida ay qortay jariirada Faransiiska ee Le Parisien maanta, PSG ayaa diyaar u ah inay aqbasho haddii miiska loo soo saaro lacagtii ay ka soo bixiyeen xiddigan oo gaadhaysa   222   milyan euro taasoo aheyd mid  Rikoodh  noqotay xagaagii 2017.

 

 

Shalay, madaxweyne ku xigeenka Barcelona Jordi Mestre oo la hadlaayey warbaahinta, ayaa xaqiijiyay inay kooxda ka warqabto in Neymar uu si weyn u doonayo inuu ku soo laabto Camp Nou, isagoo yidhi

Ciyaaryahanka isagaa doonaya inuu soo laabto, haatan inaga ayay na jirtaa sidii aan yeeli laheyn, Warbaahintaan ayaa warkaan buunbuunisay laakiin go’aanka anagaa iska leh, mana ogin haddii aan heshiis ogolaan doono iyo haddii kale.

Madaama Barcelona aysan xiiseyneynin heshiiska 27 jirkaan ilaa iyo inay dan dhaqaale ugu jirto mooyee, ciyaaryahanka ayaa diyaar u ah inuu dhimo mushaharkiisa si heshiiska uu u dhaco, waxaana warbaahinta Catalans ay sheegeysaa inay taasi aqbali karto kooxda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker