Ra’iisul Wasaaraha Isreal oo shaki galiyay arrimaha socda iyo sababta
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in heshiis diblomaasiyadeed lala gaari karo madaxda Iran, isagoo shaki ka muujiyay suurtagalnimada in khilaafaadka u dhexeeya Tehran iyo reer Galbeedka lagu xallin karo wada-hadal.
Netanyahu ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo sheegay inay ka wada hadleen suurtagalnimada in arrinta Iran lagu xalliyo diblomaasiyad.
Si kastaba ha ahaatee, Netanyahu wuxuu carrabka ku adkeeyay inay adkaan doonto in madaxda Iran heshiis lagula gaaro waddada diblomaasiyadda.
Hadalladiisa ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo ay wadaan dhexdhexaadiyayaal ay ka mid tahay Pakistan, kuwaas oo doonaya inay qaboojiyaan xiisadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka, isla markaana xal wada-hadal ah loogu helo is-mariwaaga labada dhinac.




