Bangiga Adduunka oo shirkad Kenyan ah ka mamnuucay mashaariicda Soomaaliya
Bangiga Adduunka ayaa shirkadda teknoolojiyadda ee Kenya laguna magacaabo Webmasters Kenya Limited iyo aasaasaha iyo madaxa fulinta shirkadda, James Ayugi, ka mamnuucay inay ka qayb qaataan mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga, muddo ugu yaraan shan sano ah.
Go’aanka ayaa ka dhashay baaritaan lagu sameeyay habraacyo la xiriiray laba mashruuc oo Bangiga Adduunku ka maalgeliyay Soomaaliya, iyadoo guddiga cunaqabateynta Bangiga uu sheegay in shirkadda iyo mas’uulkeeda lagu helay dhaqan khiyaano ah.
Guddiga ayaa sheegay in shirkaddu ay si khaldan u sheegtay in laba khabiir oo muhiim ah ay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan qandaraasyo hoos yimaada mashaariicda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la isticmaalay taariikh-nololeedyada (CV-yada) khubaradaas iyada oo aan oggolaansho laga haysan.
Arrintan ayaa la xiriirtay mashruuca Somali Core Economic Institutions and Opportunities Project (SCORE) iyo mashruuca Somalia Capacity Advancement, Livelihoods and Entrepreneurship through Digital Uplift (SCALED-UP), kuwaas oo lagu taageerayay horumarinta dhaqaalaha, adeegyada dijitaalka ah iyo fursadaha shaqo ee Soomaaliya.
Mashruuca SCORE waxaa Soomaaliya lagu maalgeliyay heshiis gaaraya 3.3 milyan oo dollar, iyadoo Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya loo xilsaaray fulintiisa. Sannadkii 2018-kii, shirkado ay Webmasters Kenya Limited ka mid ahayd ayaa loo doortay qandaraas lagu horumarinayay nidaamyada otomaatiga ah ee adeegyada ganacsiga, kaas oo qiimihiisu ahaa 330,000 oo dollar.
Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay in shirkadda iyo James Ayugi ay ku guuldarreysteen inay si buuxda uga jawaabaan codsiyo dukumentiyo ah oo loo diray intii lagu guda jiray baaritaan iyo hubin ay sameysay waaxda hufnaanta Bangiga Adduunka.
Guddiga Cunaqabateynta Bangiga ayaa sidaas darteed go’aamiyay in labada dhinac laga mamnuuco dhammaan hawlgallada Bangiga Adduunka muddo aan ka yarayn shan sano. Xayiraadda ayaa sidoo kale ka dhigan in Ayugi uusan noqon karin qandaraasle-hoosaad, la-taliye, adeeg-bixiye ama ka faa’iideyste mashruuc uu maalgeliyo Bangiga inta lagu jiro muddada mamnuucista.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mamnuucistan lagu wargelin doono hay’adaha kale ee maaliyadeed ee caalamiga ah ee qaybta ka ah heshiiska wadaagista cunaqabateynta, si ay iyaguna u qiimeeyaan in xayiraadda lagu dabaqo hawlgalladooda.




