Madaxweyne Deni: Burcad-badeeddu waxay dhaawacayaan sumcadda Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dib u soo cusboonaanshaha falalka burcad-badeednimada ee xeebaha Puntland, isagoo sheegay in kooxaha burcad-badeedda ay qayb ka yihiin dagaal uu ku tilmaamay mid lagu dhaawacayo sumcadda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay si gaar ah uga hortagayso waxa uu ku tilmaamay “sumcad-dil”, isagoo xusay in dhalinyaro la khalday loo adeegsan karo falal dhaawacaya magaca iyo amniga Puntland.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli burcad-badeednimadu mar kale ka soo cusboonaatay xeebaha degaanada Puntland.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa la afduubtay maraakiib ganacsi oo ay ka mid yihiin M/V LUTUF iyo M.T. Sibu 1, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo soo noqoshada burcad-badeedda.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay baaritaan ku hayso xog tilmaamaysa in awoodo ka baxsan maamulka ay ku lug yeelan karaan dib u soo noqoshada burcad-badeedda, inkastoo aysan magacaabin cid gaar ah ama aysan soo bandhigin caddeyn arrintaas ku saabsan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale sheegay in dagaalka ugu weyn ee Puntland hadda wajahaysaa uu yahay dagaalka horumarka, isagoo xusay la dagaallanka saboolnimada, kobcinta wax-soo-saarka, shaqo abuurka dhalinyarada, caafimaadka iyo waxbarashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker