Iiraan oo ka hadashay dumlumaasiyiin ku sugnaa Faransiiska oo la eryay
Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa go’aanka dowladda Faransiiska ee ah inay laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah ka eryaan dalkooda ku tilmaamay “mid aan caddaalad ahayn” oo “burbur keenaya.”
Mr. Baghaei ayaa u sheegay wariyeyaasha in tallaabada Faransiisku ay tahay “falcelin” ku aaddan tallaabadii “gebi ahaanba sharciga ahayd” ee Iiraan ay ku eryeen laba diblomaasi oo Faransiis ah.
Mr. Baghaei wuxuu sababta ay labada diblomaasi ee Safaaradda Faransiiska uga eryeen Iiraan ku tilmaamay “faragelin lagu sameeyay arrimaha gudaha ee dalka.”
Warbaahinta Iiraan ayaa Arbacadii, Agoosto 17-keedii ku warantay in Faransiiska laga eryay Niloufar Shadmehri, oo ahaa La-taliyaha Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Maalin ka hor, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Noël Barrow ayaa sheegay inuu Faransiiska ka eryi doono laba diblomaasi oo Iiraaniyiin ah maalmaha soo socda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa hore u sheegtay in laba shaqaale oo safaaradda Faransiiska ah oo ku lug lahaa khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhacay Tehran bishii Luulyo aan loo oggolaan doonin inay ku laabtaan Iiraan.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa ku eedeeyay ciidamada amniga Iiraan 20-kii Luulyo inay ku xadgudbeen xasaanadda diblomaasiyadeed ee laba shaqaale oo safaaradda ah iyagoo adeegsanaya “cabsi gelin daran.” Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Iiraan ee Paris si ay uga mudaaharaadaan.




