Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriiga ugu baaqday inay aqoonsadaan Somaliland.
Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qubrus iyo Giriiga ugu baaqday inay dib u eegaan mowqifkooda ku aaddan aqoonsiga Somaliland
Sida ay ay qortay Warbaahinta caalamiga ah ee Cyprus Mail Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in iyagoo tixraacaya qoraal uu baraha bulshada ku baahiyey Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Soomaaliya kaas oo si rasmi ah u aqoonsaday jiritaanka waxa loo yaqaan Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubrus-ta Waqooyi, ay xukuumadda JSL ka codsatay Qubrus iyo Giriigga aqoonsi rasmi ah.
Xukuumada Somaliland ayaa ka dalbatay Qubrus iyo Giriigu inay si istiraatiiji ah dib ugu eegaan xidhiidhka ay la yeelan karaan Somaliland oo ah dal xasilloon, dimuquraadi ah kana jiraan hay’ado dowladeed oo shaqeeya isla markaana dabayaaqadii kal hore ka helay Israaโiil aqoonsigoodi kowaad.
Somaliland waxay ku doodday in aqoonsigeedu uu abuuri karo fursado cusub oo dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga ah, isla markaana ay Qubrus iyo Giriiga la yeelan karaan iskaashi ku salaysan danaha ay wadaagaan.
Baaqan cusub ee Somaliland u jeedisay Qubrus iyo Giriig ayaa imanaya xilli ay gobolka Geeska Afrika iyo Bariga Mediterranean-ka ka jiraan isbahaysiyo iyo loollan istiraatiiji ah, iyadoo Somaliland ay doonayso inay ballaadhiso taageerada diblomaasiyadeed ee ay ka raadinayso dalalka Yurub iyo kuwa kale ee muhiimka u ah siyaasadda caalamiga ah.




