Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la socoto duqeymaha ka socda xeebaha Puntland

 

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la socoto duqeymaha ka socda xeebaha Puntland

Cabirka Farta

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay la socoto duqeymaha ka socda xeebaha Puntland

Sabti, Agoosto 22, 2026 (HOL) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in dowladda federaalka ay xog ka hayso duqeymo laga geystay xeebaha Puntland.

Cumar Cali Cabdi oo maanta saxaafadda si kooban ula hadlay ayaa u sheegay in haddii ay xeebaha Soomaaliya ka dhacayaan hawlgallo milatari oo ka dhan ah kooxaha burcad badeedda, dowladda federaalka ay tahay hay’adda sharci ahaan u leh go’aaminta arrimaha noocaas ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale xusay in dowladda ay diyaarinayso warbixin dhammaystiran oo ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay xeebaha, isagoo tilmaamay in tallaabooyin laga qaadi doono xaaladda soo korortay.

“Warbixin dhammaystiran ayaa la soo diri doonaa, haddii Alle idmo,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay cambaaraysay maraakiib dagaal oo caalami ah, kuwaas oo 18-kii iyo 20-kii Agoosto duqeymo ka geystay deegaanka Garmaal ee xeebaha Puntland.

Puntland waxay sheegtay in weerarradaasi lagu beegsaday dad kalluumaysato ah iyo hantidooda, iyadoo sheegtay in ay walaac ka qabto waxyeellada ka dhalan karta hawlgallada noocan ah ee ka socda deegaannada u dhow xeebaha lagu hayo maraakiibta ay afduubteen burcad-badeeddu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker