Masar oo sheegtay in dadaallada lagu sii daynayo 12-ka badmaax ee lagu haysto Soomaaliya ay socdaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii waddo dadaallada lagu doonayo in lagu sii daayo 12 badmaax oo saaran markabka shidaalka ee M/T EUREKA, kuwaas oo muddo bilo ah lagu haystay Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dadaallada Masar ay ku saleysan yihiin awaamiirta Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi ee ah in la ilaaliyo danaha muwaadiniinta Masaarida ee dibadda.

Abdelatty ayaa xusay in markabka ay saaran yihiin 12 badmaax, oo ay ku jiraan 8 Masri ah, isagoo sheegay inuu si joogto ah ula socdo xaaladda iyo wada-hadallada lagu doonayo in lagu soo afjaro afduubka.

“Xiriir maalinle ah ayaan kla leeyahay dhinacyada arrintan ku lugta leh,” ayuu yiri wasiirku, isagoo sheegay in kulankii ugu dambeeyay uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu dhacay maalmo ka hor.

Sida uu sheegay, mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay adeegsanayaan xiriirka ay la leeyihiin qabaa’ilka deegaanka ee ku sugan halka lagu hayo badmaaxiinta, si ay maalin kasta ula xiriiraan kooxaha afduubka geystay, loogana shaqeeyo sidii loo heli lahaa sii-deyntooda.

Wasiirka Masar ayaa sidoo kale sheegay inuu xiriir la leeyahay madaxda Yemen, maadaama milkiilaha markabka uu yahay muwaadin Yemeni ah, iyadoo dhinaca Yemen uu sidoo kale dadaal ugu jiro sidii loo fududeyn lahaa sii-deynta shaqaalaha markabka.

Masar ayaa horey safaaraddeeda Muqdisho ugu amartay inay si dhow ula socoto xaaladda 8-da badmaax ee Masaarida ah, isla markaana ay siiso taageero iyo gargaar, iyadoo dowladda Soomaaliya kala shaqeynaysa sidii loo xaqiijin lahaa badqabkooda iyo sii-deyntooda.

Markabka M/T EUREKA ayaa la sheegay in kooxo burcad badeed hubeysan oo Soomaali ah ay weerareen horraantii bishii May xilli uu marayay biyaha u dhow xeebaha Yemen. Tan iyo markaas, badmaaxiinta ayaa lagu hayaa xaalad aan weli xal laga gaarin, iyadoo wada-hadallada lagu doonayo in lagu sii daayo ay socdaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa ballanqaaday in Qaahira ay xoojin doonto dadaallada diblomaasiyadeed, si badmaaxiinta si nabad ah loogu sii daayo looguna celiyo dalkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker