Madaxweyne Xasan Sheekh: Lama oga in Soomaaliya shidaal yeelan doonto, balse rajadeennu aad ayay u sarreysaa
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in weli aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in dalka laga heli doono shidaal ganacsi ahaan laga faa’iidaysto, balse uu muujiyey rajo weyn oo ku aaddan natiijooyinka sahminta iyo qodista ceelasha shidaalka ee socda.
“Soomaaliya inay shidaal yeelanayso weli lama oga, laakiin rajadeennu aad ayay u sarreysaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in mustaqbalka dhow la filayo in arrintaasi jawaab cad laga helo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in muddada soo socota la filayo in la qodo ceelal kale, iyadoo dowladda Soomaaliya ay rajaynayso in natiijooyinka sahminta shidaalku noqdaan kuwo wax ka beddela dhaqaalaha dalka.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale si weyn uga hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan taageerada Ankara ay siiso Soomaaliya dhinacyada amniga, tababarka ciidamada, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Waxa uu sheegay in ciidamada Turkigu tababareen, qalabeeyeen oo hubeyn ka taageereen ciidamo Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka beddeshay awoodda ciidamada Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
“Turkiga si gaar ah ayaan ugu mahadcelinaynaa. Taariikhda wanaagsan ee Soomaaliya maanta qoraysa, Turkigu qayb ayuu ka yahay,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in xiriirka labada dal uu ka gudbo marxaladdii gargaarka, una gudbo iskaashi dhaqaale iyo horumarineed oo muddo dheer ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn oo keliya in dalalka saaxiibka ah ay dhaqaale siiyaan, balse ay muhiim tahay in laga caawiyo sidii dalka looga soo saari lahaa khayraadkiisa dabiiciga ah loona dhisi lahaa awoodda dadka Soomaaliyeed.
Waxa uu tusaale u soo qaatay shidaalka, isaga oo sheegay in muhiimaddu aysan ahayn oo keliya in Soomaaliya loo soo saaro shidaal, balse ay tahay in dadka Soomaaliyeed la baro sida loo sahmiyo, loo soo saaro, loo maareeyo loogana faa’iidaysto khayraadka dalka.
Sida uu sheegay, tiro badan oo Soomaali ah ayaa hadda lagu tababarayaa arrimaha la xiriira shidaalka, si mustaqbalka ay uga qayb qaataan maamulka iyo maaraynta khayraadkaas.




