Trump oo jeediyay hanjabaado culus oo ka dhan ah Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay “hawlgal dhaqaale oo aan hore loo arag” oo ka dhan ah Iran.
Trump wuxuu sheegay in Iran ay diidday fursado badan oo heshiis lagu gaari lahaa, sidaas darteedna Mareykanku bilaabayo dagaal dhaqaale iyo go’doomin ballaaran.
Wuxuu sidoo kale ka digay in dalalka ama shirkadaha ka caawiya Iran dhinaca maaliyadda, shidaalka, maraakiibta ama bangiyada ay wajihi doonaan cunaqabateyn dhaqaale oo culus.
Trump wuxuu hawlgalkan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu wiiqayo awoodda Iran, wuxuuna xulafada Mareykanka ugu baaqay inay taageeraan.




