Madaxweyneha Ukraine oo loogu baaqayo in uu doorasho qabto xilli dagaalka Ruushku socdo
Mykhailo Fedorov, oo ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga Ukraine, ayaa ku baaqay in dalka laga qabto doorashooyin xilli uu weli socdo dagaalka, arrintaas oo loo arko caqabaddii ugu weynayd ee soo wajahda madaxweyne Volodymyr Zelensky tan iyo markii Ruushku duullaanka ballaadhan ku qaaday Ukraine afar sano iyo bar ka hor.
“Dimuqraadiyadda lama oggolaan karo in Ruushku afduub u haysto,” ayuu yidhi Fedorov oo 35 jir ah, muuqaal uu Talaadadii ku baahiyay YouTube. Wuxuu sheegay in Ukraine ay u dagaallamayso sidii ay u ahaan lahayd dal Yurub ah oo xor ah.
Tan iyo markii dagaalku billowday 2022, Ukraine waxay ku jirtay xaalad millateri, taas oo sababtay in doorashooyinkii la hakiyo.
Fedorov, oo aan muuqaalka ku xusin magaca Zelensky, ayaa si lama filaan ah xilkii wasiirka gaashaandhigga looga qaaday bishii hore, lix bilood oo keliya kaddib markii xilka loo magacaabay.
Zelensky ayaan weli ka jawaabin baaqa Fedorov. Ilo ku sugan xafiiska madaxweynaha ayaa BBC-da u sheegay in qorshaynta doorashooyin xilli gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay socdaan ay tahay arrin aan macquul ahayn, isla markaana muujinaysa “arrin aan loo meel dayin.”




