Markab lagu weeraray Marinka Hormuz

Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan markab lagu bartilmaameedsaday qalab aan la aqoon oo hawada laga soo tuuray, xilli uu marayay Marinka Hormuz.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in dhacdadu ay sababtay burbur ku yimid qaybta matoorka markabka, halka hal shaqaale uu ku dhintay.

Sida warbixintu sheegtay, Ilaalada Xeebaha Cumaan ayaa hadda wada dadaallo lagu badbaadinayo shaqaalaha kale ee markabka.

UKMTO waxay sheegtay inaan wax wasakhow ama waxyeello deegaanka ah laga soo sheegin dhacdada, iyadoo mas’uuliyiintu ay baaritaan ku wadaan waxa dhacay.

Dhacdadan ayaa timid xilli gaadiidka badda ee Marinka Hormuz uu wajahayo carqalado waaweyn, iyadoo tirada maraakiibta isticmaasha marinkaas ay si weyn hoos ugu dhacday. Kahor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, in ka badan 130 markab ayaa halkaas mari jiray maalin kasta.

Horaantii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuusan qorshaynayn inuu kordhiyo muddada heshiiska ku-meelgaarka ah ee Iran.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Tehran aysan weli diyaar u ahayn inay gaarto heshiiska uu isagu u arko inuu muhiim yahay.

Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato dadaallada nabadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker