Shan qof oo lagu dilay weerarro dhanka cirka ah oo cusub oo Ruushku ka fuliyay guud ahaan Ukraine.
Waxaa la soo sheegay in muwaadin kale oo Ukraine ah (kii shanaad) uu ku dhintay weerarro Ruushku uu xalay qaaday.
Duqa magaalada Kryvyi Rih ayaa sheegay in nin 44 jir ah, oo horey loo waayay, meydkiisa laga helay burburka hoostiisa.
Qof kale ayaa dhintay, halka 14 shaqaale ah oo ka tirsan warshad birta lagu farsameeyo ay ku dhaawacmeen. Ruushku wuxuu sheegay in goobtaas lagu samaynayay qaybo ka mid ah hubka.
Labo qof oo da’doodu u dhaxayso 60-meeyada ayaa dhintay ka dib markii guri uu ku burburay magaalada Zaporizhzhia. Hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in la damiyay dab ka kacay suuq ku yaalla Kyiv, ka dib markii suuqaas la weeraray xalay.
Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacmeen magaalada ka dib afar mowjadood oo weerarro cirka ah ay dhaceen xalay iyo saaka.
Madaxweynaha ayaa xusay dhimashada qofka shanaad oo dhacday fiidnimadii shalay magaalada Sumy, halkaas oo gaari la weeraray.
Ruushku wuxuu sheegay in weerarradii uu xalay ku qaaday Kyiv ay bartilmaameedsanayeen goob lagu samaynayay qaybo ka mid ah gantaallada Flamingo ee Yukreyn, iyo sidoo kale warshad soo saaraysay qaybo loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay gobolka Poltava ku weerartay xarunta sifeynta shidaalka ee Kremenchuk, taas oo ay sheegtay inay shidaal siiso ciidamada Yukreyn. Ruushku wuxuu sheegay inuu weeraray markab xamuul oo u dhowaa magaalada Odesa, isagoo ku eedeeyay inuu siday qalab militari.




