Kumannaan qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya kaddib abaaro daba dheeraaday
Wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) ayaa warbixin ay ka diyaarisay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya ku sheegtay in abaaro daba dheeraaday, colaado iyo hoos u dhaca gargaarka caalamiga ah ay kumannaan qoys ku khasbeen inay ka barakacaan deegaannadooda, iyadoo gaajada iyo cunto la’aantu ay sii kordhayaan.
AP ayaa sheegtay in magaalada Baydhabo ay noqotay meel ay ku soo qulqulayaan dadka ka cararaya abaaraha, amni darrada iyo cunto yaraanta. Qoysas badan ayaa halkaasi soo gaadhaya iyagoo aan haysan cunto, biyo iyo dhaqaale ku filan. Warbixinta ayaa tusaale u soo qaadatay Luul Maxamed iyo shanteeda carruur ah, oo muddo ku dhow laba toddobaad safar ku jiray kadib markii abaartu ku qasabtay inay ka soo hayaamaan deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe. Qoysku waxay 3-dii Agoosto gaareen Baydhabo, iyagoo aan haysan wax cunto ah.
AP waxay xustay in qiyaastii 2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ay wajahaan heerar degdeg ah oo cunto yari ah, tiradaas oo ka badan laba jibbaar marka loo eego sannadkii hore, sida ay sheegtay Plan International. Baydhabo ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee ay ku urureen dadka abaaruhu barakiciyeen. Sida AP ay werisay, magaalada waxaa ku nool qiyaastii 1.6 milyan oo qof, ku dhawaad kala badh dadkaasna waa barakacayaal.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qoysaska barakacayaasha ah ay wajahayaan biyo yari daran, iyadoo qiyaastii hal qoys shantii qoysba mid ka mid ah aanu haysan biyo la isku halayn karo. Qoysas badan ayaa lagu qasbay inay biyo ka iibsadaan booyadaha, taas oo qiimo ahaan culays ku ah dadka aan haysan dhaqaale ku filan. AP ayaa sidoo kale soo bandhigtay xaaladda Habiba Aadan oo ka soo barakacday deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay kadib afar sano oo abaar ah oo baabi’isay dalagyadii isla markaana dishay xoolihii ay nolosheedu ku tiirsanayd.
Dhanka kale, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha (FAO) ayaa saadaalisay in ay jirto in ka badan 90% fursad ah in xaaladda El Niño ay samaysanto badhtamaha sannadka 2026, isla markaana ay xoogaysato xilliga roobabka Soomaaliya ee Oktoobar ilaa Diseembar, taas oo sare u qaadi karta khatarta fatahaadaha.
Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay abaaro soo noqnoqda oo ay mararka qaar ku xigaan fatahaado baahsan, kuwaas oo waxyeello u geysta dalagyada, xoolaha iyo nolosha dadka, isla markaana kordhiya barakaca iyo cunto yarida.
Hay’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqaya in la kordhiyo taageerada caalamiga ah, iyadoo laga digayo in hoos u dhaca maalgelinta gargaarku uu sii adkayn karo xaaladda malaayiinta qof ee hadda wajahaya cunto yari iyo nolol adag.




