Xildhibaanada xisbija Jamhuuriga oo walaac ka muujiyay xaladda markab dagaal oo Mareykanku leeyahay

Xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda markabka diyaaradaha dagaalka qaada oo muddo dheer ku sugan Bariga Dhexe.

Waxay sheegeen in wararka ku saabsan yaraanta sahayda, tuubooyinka biyaha ee ciladaysan iyo dhibaatooyin kale oo ka jira markabka USS Abraham Lincoln ay yihiin wax aan la aqbali karin.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen daal xad-dhaaf ah iyo shaqo-gubasho, iyadoo la soo sheegay in qaar ka mid ah askarta adeegga ku jirta ay isku dayeen inay badda isku tuuraan.

Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa sheegay in xaaladda markabka Abraham Lincoln si “gebi ahaanba khaldan” loo soo bandhigay.

Markabku wuxuu badda ku jiray tan iyo bishii Nofeembar ee sannadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker