Ilhan Omar oo Mar kale Ku Guuleysatay Isreeb-reebka Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku guuleysatay isreeb-reebka Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota, sida ay saadaaliyeen warbaahinta Mareykanka.

Ilhan Omar, oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah xilka haysa markeedii afaraad, ayaa heshay in ka badan 80 boqolkiiba codadka, iyadoo ka adkaatay musharraxiin dhowr ah oo kula tartamay doorashada hordhaca ah, sida ay sheegtay CBS News.

Natiijooyin aan rasmi ahayn oo la shaaciyay iyadoo in ka badan 95 boqolkiiba codadka la tiriyay ayaa muujiyay in Omar ay heshay 122,640 cod, halka Julie Trang Le ay heshay 10,201 cod, Latonya T. Reeves-na ay heshay 9,131 cod, sida uu qoray New York Times.

Musharraxiintii Dimuqraadiga ee Ilhan Omar kula tartamay isreeb-reebka ayaa waxaa ka mid ahaa Le, oo horey uga soo shaqeysay dacwad-ooge federaal ah, Reeves, Abena McKenzie iyo Nate Schluter.

Ilhan Omar ayaa sidaas u gudubtay marxaladda xigta ee tartanka kursiga degmada 5-aad ee Minnesota. Guusheed waxay u gogol xaaraysaa inay mar kale u tartanto kursiga degmada 5-aad doorashada guud ee bisha November.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker