Iran iyo Mareykanka oo ku dhow in ay heshiis gaaraan
Warbaahinta Bloomberg ayaa soo warisay in Pakistan ay sheegtay in Iran iyo Mareykanka ay ku dhow yihiin inay gaaraan nooc heshiis ah.
Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in tilmaamihii jiray labadii ama saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay muujinayeen in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay gaaraan “heshiis ama is-afgarad” lagu doonayo nabad, sida ay Reuters soo werisay.
“Xaaladdu waxay mar kale u muuqataa inay u jihaysan tahay heshiis nabadeed ama heshiis dhex mara labada dhinac,” ayuu yiri.
Warkan ayaa soo baxay iyadoo Iran ay dhawaan sheegtay in aysan jirin wada-hadallo toos ah oo ay Mareykanka la waddo, balse farriimo la is dhaafsanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.




