Axmed Ciise Guutale: Diblomaasiyiin aan buuxin shuruudihii loo baahnaa ayaa loo diray dibadda
Hanti-dhowraha Guud ee Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay hay’adaha dowladda ay soo bandhigeen gaabisyo iyo tabar-darrooyin dhinaca maamulka, u hoggaansanaanta sharciga iyo maaraynta hantida dowladda.
Guutaale ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay dibadda u dirtay 14 diblomaasi, iyadoo aan si buuxda loo raacin shuruudihii looga baahnaa, halka 19 shaqaale loo diray shaqooyin diblomaasiyadeed iyaga oo aan marka hore qaadan tababarkii diblomaasiyadda ee looga baahnaa.
Warbixinta Hantidhowrka ayaa sidoo kale muujisay in 50% hay’adihii dowladda ee baaristu ku samaysay aysan si buuxda u hirgelin ama u adeegsan nidaamyada baarista gudaha, taasoo Hantidhowrku ku tilmaamay arrin u baahan in wax laga qabto.
Sida uu sheegay Hanti-dhowraha Guud, baaritaannadu waxay sidoo kale soo bandhigeen gaabisyo la xiriira diiwaangelinta iyo maaraynta gaadiidka dowladda, heshiisyada dhex-dhexaadinta, diiwaangelinta hantida laga helo deeqaha dibadda, maamulka iyo maaraynta masaajidda iyo awqaafta, kormeerka daawooyinka iyo kaydinta diiwaannada dambiyada.
Hantidhowrka Guud ayaa sheegay in hay’adaha ay khuseyso lala wadaagay talooyin lagu saxayo khaladaadka iyo gaabisyada la ogaaday, iyadoo sidoo kale lagu boorriyay in la xoojiyo hufnaanta, kormeerka gudaha iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, si loo yareeyo khataraha ka dhalan kara maamulka hantida guud.
Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in Xafiiska Hantidhowrka Guud uu sidoo kale baaritaanno waxqabad ku sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, shirkadaha ay dowladdu leedahay ama wada leedahay iyo hay’adaha ay dowladda kula jirto heshiisyo gaar ah.
Ujeeddada baaritaannadan ayaa ah in lagu qiimeeyo in khayraadka dowladda loo adeegsaday si waafaqsan mabaadi’da dhaqaaleynta, beekhaaminta iyo wax-ku-oolnimada.
Warbixinta waxqabadka ee sannadkii 2025 ayaa, sida uu sheegay Guutaale, diiradda saartay dhowr arrimood oo muhiim u ah adeegyada bulshada iyo maamulka dowladda.
Mid ka mid ah baaritaannada ayaa lagu qiimeeyay dadaallada dowladda ee lagu gaarayo waxbarasho tayo leh, iyadoo la eegay nidaamka xirfadaynta macallimiinta, bixinta shatiyada xirfadeed, qaybinta buugaagta iyo xaaladda kaabayaasha waxbarashada.
Baaritaankaas ayaa daboolayay muddadii u dhexeysay 2022 iyo 2025, iyadoo lagu qiimeeyay waafaqsanaanta dadaallada dowladda iyo Himilada Horumarka Waara ee SDG 4, oo ku saabsan waxbarasho tayo leh.
Sidoo kale, Hantidhowrku wuxuu baaritaan ku sameeyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, isagoo eegay muddadii 2020 ilaa 2025 dhaqangelinta shuruucda duulista, kormeerka badqabka, fududeynta adeegyada iyo ilaalinta xuquuqda rakaabka.
Baaritaan kale ayaa lagu sameeyay Barnaamijka Baxnaano, kaasoo daboolayay muddadii 2020 ilaa 2025, waxaana lagu qiimeeyay ku filnaanshaha iyo waqtiga ay qoysaska nugul ku helaan kaalmada lacageed, nidaamka gaarsiinta lacagaha, dhisidda awoodda hay’adaha, maamulka mashruuca iyo hababka kormeerka iyo qiimeynta.




