Kenya oo xidhay nin lagu tuhunsan yahay inuu Soomaaliya u waday diyaarad drone ah

Booliiska waddanka Kenya ayaa xiray nin lagu tuhunsan yahay inuu isku dayayay inuu Soomaaliya u diro diyaarad aan duuliye lahayn (drone), taasoo lagu qabtay magaalada Nayrobi.

Ninka la xiray oo lagu magacaabo Maxamuud Xareed ayaa la qabtay Jimcihii, xilli uu ku sugnaa shirkad xamuul ah oo ku taalla xaafadda Eastleigh si uu uga qaato qalabkan oo la sheegay in laga soo diray Shiinaha.

Booliiska ayaa sheegay in shirkaddu ay ka shakisay xirmada kadib markii ay ogaatay in si aad ah loogu duubay sanduuq, halka qofkii soo dirayna uusan sheegin waxa ku jira.

Markii la furay, waxaa la sheegay in gudaha laga helay drone la kala furfuray iyo qalabyo kale oo ku lifaaqnaa.

Maamulka shirkadda ayaa arrinta ku wargeliyay booliiska, kuwaas oo goobta yimid, iyagoo xiray Xareed kadibna geeyay saldhigga booliiska ee Pangani si suโ€™aalo looga weydiiyo xirmada.

Booliisku waxay sheegeen in Xareed uu u sheegay baarayaasha in drone-ka loo waday Baled Xaawo, oo ku taalla Soomaaliya, iyadoo la qorsheeyay in la sii marsiiyo Mandera.

Sida booliisku sheegeen, qof lagu magacaabo Yussuf Abdi Abdille, oo degan Mandera, ayaa la filayay inuu halkaas kala wareego xirmada.

Xareed ayaa weli ku jira gacanta booliiska, iyadoo baaritaanno lagu hayo halka drone-ka laga keenay, cidda dirtay iyo ujeeddada loo waday.

Booliisku waxay sheegeen in qalabkan noocan ah loo adeegsan karo hawlo argagixiso, taas oo ay ku sababeeyeen dadaallada lagu xakameynayo soo dejinta qalabka noocan ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker