Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isku beddel ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku beddel ku sameeyay agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha Xukuumadda Federaalka, isagoo sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay dardargelinta howlaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabista ku saleeyay qodobka 119-aad, farqaddiisa (D) ee Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana xilalka cusub loo magacaabay saddex agaasime guud.

Mas’uuliyiinta la magacaabay waxaa ka mid ah: Dr. Maxamed Saneey Dalmar, oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Axmed Yuusuf Cabdulle, oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Cabdullaahi Xasan Aadan, oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimayaasha cusub kula dardaarmay inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana dardargeliyaan howlaha wasaaradaha loo igmaday.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Federaalka Soomaaliya waddo dib-u-habayn lagu sameynayo hay’adaha dowladda iyo kor u qaadidda hufnaanta maamulka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker