Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeed cusub, kana hadlay baasaboorka jiilka saddexaad iyo dib-u-habaynta maamulka dowladda
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii toddobaadlaha ahaa kaga hadlay arrimo la xiriira amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta adeegyada dowladda, iyagoo sidoo kale ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan geeddi-socodka hirgelinta baasaboorka Soomaaliya ee jiilka saddexaad (Polycarbonate E-Passport), kaas oo dowladda sheegtay inuu sare u qaadayo amniga dukumentiga safarka, fududeynayana adeegyada la xiriira baasaboorka.
Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa Golaha u sheegtay in la joojiyay wax ka beddelka xogta shakhsiga ah ee baasaboorka, si loo adkeeyo kalsoonida iyo sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale dib u eegay warbixinnada waxqabadka wasaaradaha ee labada rubuc ee hore ee sannadka iyo qorshaha casriyeynta nidaamka shaqada Golaha Wasiirrada (E-Cabinet System), iyadoo la soo bandhigay qorshayaal lagu horumarinayo maamulka dowladda.
Dhanka kale, Golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Asalka Badeecadaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xubnaha Golaha uga warbixiyay safarkiisii dhawaan uu ku tagay Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isagoo bogaadiyay wadajirka maamulka iyo shacabka deegaanka. Waxa uu sidoo kale hambalyeeyay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday Galmudug, wuxuuna masuuliyiinta dowladda ku booriyay inay isticmaalaan baasaboorka Soomaaliya si loo xoojiyo sumcadda dukumentiga qaranka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa wax ka beddel ku sameeyay magacaabista xubin ka tirsan Golaha Adeegga Garsoorka, iyadoo Aadan Kuuloow Macalin Qaasim loo magacaabay xilkaas, beddelkiisana laga dhigay Cali Macalin.




