Militeriga Mareykanka ayaa raadinaya “hab cusub oo aan caadi ahayn” si loo cadaadiyo Iran
Warbaahinta CNN oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanku ay raadinayaan fikrado “Cusub oo aan caadi ahayn” oo lagu cadaadinayo laguna ciqaabayo Iran.
Sida laga soo xigtay mid ka mid ah ilahaasi oo ah sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa dhowaan email u diray koox ballaaran oo falanqeeyayaal ciidan ah, isagoo ku yiri, “Waxaan raadineynaa habab cusub oo lagu cadaadiyo laguna ciqaabo Iran.”
Ilo kale ayaa CNN-ka u sheegay in Taliska Dhexe ay fahmeen in ay dib u eegaan xeeladahooda dagaalka, sidaas darteedna ay eegayaan dhammaan wixii suuragal ah.
Warbixinta CNN ayaa sidoo kale soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in habkan fikradaha loogu ururinayo emailada ay yihiin kuwa ku cusub militeriga. Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ayaa bayaan ku sheegay in “Taliska Dhexe uu leeyahay taariikh dheer oo ku saabsan curinta iyo hirgelinta fikrado cusub.”
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in taliyaha Taliska Dhexe, Brad Cooper, uu ku dhiirrageliyay dhammaan xubnaha, iyadoon loo eegayn darajadooda ciidan, in ay ka qayb qaataan sidii loo gaari lahaa heerka ugu sarreeya ee hawlgallada.
Mid ka mid ah ilaha ayaa CNN u sheegay, “Ugu dambayn, madaxweynaha Maraykanku wuxuu doonayaa heshiis, sidaas darteed wuxuu si joogto ah u raadinayaa siyaabo uu cadaadis ugu saaro, ugana baxo xaaladdan. Mararka qaarkood waxaad u baahan tahay maskax hal-abuur leh, gaar ahaan marka hababkii caadiga ahaa ay sii dhammaanayaan.”




