Maraakiibta Shiinaha ayaa la siiyay mudnaan gaar ah oo ay ku maraan marin-biyoodka Hormuz iyo Bab al-Mandeb.

Shirkadda Windward ee la socota dhaqdhaaqa maraakiiba iyo howlaha laga shakiyo ee badaha ka dhaca ayaa sheegtay in Xuutiyiinta Yemen ay siiyeen maraakiibta Shiinaha “fursad marin oo ka duwan tan maraakiibta kale” si ay uga gudbaan Bab al-Mandeb.

Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya laga soo bilaabo 17-kii Luulyo ee sannadkan.

Sida laga soo xigtay xog ay shirkaddu ururisay, “Badda Cas gudaheeda, 22 markab oo xiriir la leh Shiinaha ayaa ka gudbay Bab al-Mandeb, kuna xirtay dekedaha Sacuudiga intii u dhaxaysay 20-kii Luulyo iyo 2-dii Agoosto, iyada oo aan la soo sheegin hal weerar oo lagu qaaday. Isla muddadaas, Xuutiyiintu waxay weerareen afar markab oo shidaal oo Sacuudigu leeyahay.”

Sida ku cad xogta shirkadda, markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah oo wata calanka Hong Kong ayaa maray marinka Hormuz 30-kii iyo 31-kii Luulyo.

Markabka ayaa markii uu marayay Bab al-Mandeb calaamaddiisa aqoonsiga baddelay oo ku qoray “Shaqaale/Milkiile Shiine ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker