Taliyaha AFRICOM: Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya Waxay Ku Xirnaan Doontaa Xasilloonida Siyaasadeed iyo Horumarka Amniga

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in taageerada mustaqbalka ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ay ku xirnaan doonto sida ay dowladda u xaqiijiso xasillooni siyaasadeed, u xoojiso maamul wanaagga, isla markaana ay sii waddo horumarka laga gaarayo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Waraysi gaar ah oo uu ka qaaday Cumar Faaruuq Cusman, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Anderson wuxuu ku sheegay in Mareykanku uusan ka jeesan Soomaaliya, balse iskaashiga labada dhinac uu u baahan yahay hoggaan siyaasadeed oo mideysan iyo natiijooyin muuqda oo dhanka amniga ah.

“Haddii Soomaaliya ay hoggaanka qabato oo dowladda ay hormuud ka noqoto sugidda amniga iyo dowlad-dhiska, Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa taageeradiisa, maadaama ay jirto dano wadaag,” ayuu yiri Anderson.

Wuxuu uga digay in khilaafaadka siyaasadeed ee daba dheeraada ay wiiqi karaan iskaashiga labada dal, isagoo xusay in haddii xasillooni siyaasadeed la waayo ay adkaan karto in Mareykanku sii wado heerka taageerada uu hadda bixiyo.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada kumaandooska Danab, oo Mareykanku gacan weyn ka geystay dhismahooda, ay ka mid yihiin ciidamada ugu tayada wanaagsan qaaradda Afrika, balse ay hadda mas’uuliyadda Soomaaliya tahay ilaalinta iyo horumarinta awooddooda si ay u sii hoggaamiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Anderson wuxuu xusay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay muujiso horumar joogto ah oo ka dhan ah argagixisada si loo sii xaqiijiyo joogitaanka iyo taageerada Mareykanka.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, iyadoo isla markaana ay socdaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker